Ugu yaraan 63 qof oo ku dhimatay weerar qarax isbiimayn ah oo ka dhacay isbitaal kuyaala magaalada Quetta ee dalka Pakistan

Qarax Pakistan
Dad ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan. Sawirka: AFP.

Karachi-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu dilay weerar  isbiimayn ah oo ka dhacay maanta oo Isniin ah isbitaal kuyaala magaalada Quetta ee koonfurta-galbeed dalka Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha.

Ku dhawaad 120 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasoo ka dhacay halka laga soo galo qaybta gaar-gaarka deg dega ah ee isbitaalka, halkaas oo uu yaalay maydka garsoore caan ahaa oo la dilay gelinkii hore ee maanta oo Isniin ah.

Dadka ku dhintay qaraxa isbiimaynta ahaa ayaa waxaa kamid ah, garsooreyaal iyo suxufiyiin kuwaasoo u tagay isbitaalka maydka garsooraha la dilay, Bilal Anwar Kasi.

Xabadaha qoryaha ayaa daba socday qaraxa. Ma cadda cida ay ahaayeen dadka weerarka geystay.

Magaalada qaraxa ka dhacay ee Quetta ayaa caasimad goboleed u ah gobolka Balochistan, kaasoo xuduud la leh wadamada Iran iyo Afghanistan, waxaana gobolkaas uu leeyahay khayraad badan oo saliid iyo gaas ah, waxaana ka jira dagaalo u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada, iyo kooxo kale oo taageera gooni-goosad.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*