Lix qof oo ku dhimatay weerar isbiimayn ah oo Booko Xaaraam ka geysatay masjid ku yaala Nigeria

Kooxda Booko Xaaraam oo ka dagaalanta gudaha Nigeria.

Lix qof ayaa ku dhimatay maanta oo Jimco ah kadib markii qof isbiimeeyay uu isku qarxiyay masjid ku yaala magaalada Damboa oo ku taala waqooyiga-bari ee dalka Nigeria, sida ay tabisay wakaalada wararka AFP.

Afhayeenka ciidamada Nayjeeriya Colonel Sani Usman ayaa sheegay in weerarka uu dhacay subaxnimadii hore ee saakay.

Magaalada Damboa ayaa qiyaastii 90km koonfurta galbeed waxay ka xigtaa magaalada Borno ee gobolka Maiduguri.

Kooxda Booko Xaaraam ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, kooxda ayaa ka dagaalamaysay gudaha Nigeria tan iyo sanadkii 2009, dad gaaraya 19,000 oo qof ayaa ku dhimatay weerarda ay kooxda ka samaysay dalka Nigeria tan iyo 2009-ka.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*