Warshad samaysa tuubooyinka oo laga furay magaalada Garoowe

Warshada soo saari doonta tuubooyinka ee laga furay Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Warshad samaysa tuubooyinka ayaa maanta oo Talaado ah laga furay magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Abshir Cabdullaahi Diiriye oo kamid ah masuliyiinta shirkada ayaa sheegay in ay soo saari doonto tuubooyinka caaga ah ee loo adeegsado biyo galinta, beeraha iyo waxyaabo kale oo badan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qayb galay munaasabada xarig ka jarka ayaa sheegay in shirkada ay kaalin weyn ka qaadan doonto dhaqaalaha Puntland gaar ahaan shaqaalaysiinta.

“Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey warshadan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda.” Ayuu yiri madaxweynuhu.

Deni ayaa sheegay in dowladda Puntland ay soo dhaweyn doonto cid walba oo maalgashi ku samaynaysa dalka, waxaana uu intaas ku daray in dhawaan magaalada Garoowe lagu qaban doono shir ku saabsan maalgashiga oo lagu soo bandhigayo fursadah maalgashi ee ka jira deegaanada Puntland.

Warshadan ayaa ah tii ugu horeysay oo nooceeda laga furo Puntland, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*