Taliyihii nabadsugida Puntland ee gobolka Mudug oo lagu dilay Gaalkacyo

Taliyaha la dilay Xaashi Aadan Cali. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyihii nabadsugida Puntland ee gobolka Mudug Xaashi Aadan Cali ayaa fiidnimadii caawa oo Isniin ah lagu dilay magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Niman hubeysan ayaa toogtay taliyaha kadibna ka baxsaday goobta, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa magacaabay madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali bishii Agoosto sanadkii 2016.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas, sida ay qoreen warbaahinta afkooda ku hadasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*