Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu eedeeyay in uu fududeeyay dilka maamulhii DP World ee dekada Boosaaso

Saraakiisha maxkamada oo shir saxaafadeed ku hayay Boosaaso, July 29, 2019. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ah ku riday askari, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada.

Guddoomiyaha maxkamada ee ciidamada Puntland Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in askariga lagu helay in uu fududeeyay dilka maamulihii DP World ee dekada Boosaaso.

Askariga dilka lagu xukumay ayaa katirsan ciidamada bada Puntland ee PMPF, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada.

Askariga ayaa haysta bil racfaan ah, Cawil Axmed Faarax ayaa intaas ku daray.

Paul Formosa, oo u dhashay jasiirada Malta, kaasoo ahaa maamulaha DP World ee dekada Boosaaso ayaa lagu dilay magaalada Boosaaso 4-tii Febaraayo ee sanadkan. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarka.

Asbuucii lasoo dhaafay, dowladda Puntland ayaa sheegtay in dhawaan ay sii deyn doonto faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan baaritaan ay ku sameysay dilkii maareeyihii shirkada DP World ee dekada magaalada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*