Shir-weynaha wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta oo ka furmay gudaha Muqdisho

(Bidix) Raysulwasaarihii Soomaaliya Cali Maxamed Geedi. (Dhexda) Raysulwasaare ku xigeenka hadda Mahdi Maxamed Guulleed. (Midig) Wasiirka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir-weynaha wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta ayaa maanta oo Talaado ah ka furmay gudaha magaalada Muqdisho, shirka oo socon doona sadex beri ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradad Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ujeedada shirka uu yahay sidii loo soo afjari lahaa khilaafyada u dhaxeeya buslahada Soomaaliyeed,  oo uu keenay dagaalkii sokeeye.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgalay marti sharaf ka kala timid dhammaan gobolada dalka.

Tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Maarso ee sanadkan, Wasiirka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Juxa ayaa qabtay howlo muhiim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*