Midowga Afrika oo ka codsaday Burundi in ay dhinto 1,000 kamid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya

Askari Burundi ah oo katirsan ciidamada AMISOM. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Midowga Afrika ayaa ka codsaday Burundi in ay dhinto 1,000 kamid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka la gaaro bisha Febaraayo ee sanadka soo socda iyada oo qayb ka ah barnaamij tartiib tartiib ah oo lagu dhimayo howlgalka .

Codsigan ayaa lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay ee Guddiga Isuduwidda Hawlgallada Milatari ee AMISOM ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa 30-kii bishii November, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP.

Hadda, qiyaastii 5,400 ciidamo Burundi ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, iyaga oo ah dalka labaad ee ugu badan ciidamada AMISOM marka laga reebo Uganda oo 6,200 ka joogaan.

Bishii July ee sanadkan, Golaha Ammaanka ayaa dib u dhigtay afar bilood qorshaheedii ahaa in la yareeyo awooda AMISOM ee 1,000 askari, iyada oo la gaarsiinayo 20,000 oo askari, taasoo qayb ka ah in si tartiib tartiib ah loo saarayo ciiidamada AMISOM si loogu badalo ciidamo Soomaali ah oo aad u diyaarsan.

Ciidamada AMISOM oo sanadkii 2007 la keenay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan xagjiriinta Al-Shabaab, ayaa ka kooban Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*