Xeer ilaalinta Puntland oo amartay in lasoo xiro afar qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Shire Abgaal

Xasan Shire Abgaal. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Xeer ilaalinta Puntland ayaa amartay in lasoo xiro afar qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falal amni darro oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Garoowe.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in afartan ruux lagu soo eedeeyay inay hurinayeen qalalaase, khalkhal gelin iyo qalqal gelinta amniga qaranka.

Xasan Shire Abgaal ayaa horay u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Puntland, waxaana mar uu kamid ahaa saaxiibada ugu dhow madaxweynaha xilka hayada Siciid Cabdullahi Deni, kuwaasoo qeyb weyn ka qaatay ololihiisii 2018.

Saddexda qof ee kale ee la amray in la soo xiro ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Warsame Faarax Shido, Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Maxamaed Jaamac Faarax.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*