Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo soo saartay go’aamo cusub oo lagu sugayo ammaanka Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo saartay go’aamo cusub oo lagu sugayo ammaanka caasimada Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan.

“Waxaa la mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan masuuliyiinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan afar askari iyo ugu badnaan labo gaari, mana qaadan karaan qori ka weyn AK47.”  Ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu faray dhammaan masuuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan golaha wasiiradda iyo xildhibaanada labada aqal in muddo dhan 14 maalmood ay ku soo diiwaangeliyaan ilaaladooda gaarka ah iyo hubka ay haystaan.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay dadaal ugu jirto sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*