Mareykanka oo hoggaamiyihii Al-Qaacida ku dilay duqeyn ka dhacday Afkaanistaan

Hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri. [AFP]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka geysteen dalka Afkaanistaan, sida uu sheegay Madaxweyne Joe Biden.

Waxa lagu dilay howlgal la dagaalanka argagixisada ah oo CIA ay ka fuliyeen caasimada Afkaanistaan ee Kabul Axadii.

Isaga iyo Osama Bin Laden waxay si wadajir ah u qorsheeyeen weeraradii September 11, 2001, waxaana uu kamid ahaa kuwa ugu waa weyn argagixisada uu Mareykanku doonayay.

Zawahiri ayaa xukunka Al-Qaacida la wareegay kadib markii la dilay Bin Laden 2011.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Zawahiri uu ku sugan barandada guri sugan markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku riday labo gantaal.

Xubno kale oo qoyskiisa ah ayaa la joogay, balse wax dhibbaato ah ma soo gaarin oo keliya waxaa lagu dilay weerarka Zawahiri, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*