WHO oo sheegtay in isbedelka Cimilada uu khatarta ugu weyn ku yahay caafimaadka dunida qarniga 21-aad

Soomaaliya ayaa kamid ah wamada ay isbedelka cimilada saameyn weyn ku yeelatay. [Sawir Hore]
Geneva-(Puntland Mirror) Isbedelka Cimilada ayaa khatarta ugu weyn ku ah caafimaadka dunida qarniga 21-aad, sida ay sheegtay haayada caafimaadka adduunka ee WHO.

Warbixin dhowaan la soo saaray, waxay WHO ku sheegtey in xirfadleyda caafimaadku uu waajib ka saaran yahay in ay dadka ka difaacaan dhibaatooyinka cimilada, faafitaanka cudurada faafa iyo saameynta nafaqo-xumada iyo sidoo kale in ay daaweeyaan dadka uu ku dhacay kansarka iyo cudurada kale ee aan la-kala-qaadin ee ay sababaan wasakhowga deegaanka.

Warbixinta ayaa looga golleeyahay in kor loogu qaado wacyiga saameynta caafimaad ee isbedelka cimilada.

WHO waxay sidoo kale ugu baaqday bulshada caafimaadka adduunka in ay codkooda ku daraan baaqa loogu yeerayo heshiis cimilo oo adag oo wax ku ool ah.

Heshiiska cimilada ayaa ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo isbedelka cimilada laguna hagaajiyo caafimaadka, oo ay kamidtahay yareynta tirada dhimashada kansarka iyo cudurada ku dhaca neef-mareenka iyo wadnaha oo ay keenaan wasakhowga hawada.

Heshiiska waxaa ka go’an in uu gacan ka geysto horumarinta iyo hirgelinta tillaabooyinka lagu xaddido isbeddelka cimilada laguna ilaaliyo dalalka, bulshooyinka iyo goobaha shaqada.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*