![Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay weerar is-qarxin ah oo maleeshiyada Xuutiyiinta ay la beegsadeen markab dagaal oo Sucuudigu lahaa. [Sawirka: Twitter]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/2ffdebbc-e79b-11e6-925a-a992a025ddf7_1280x720.jpg)
Weerarka ayaa ka dhacay magaalo xeebeedka Xudeydiya ee kutaala dalka Yeman shalay oo Isniin ahayd.
Maleeshiyada weerarka geysatay ayaa qaraxa u adeegsaday dooni laga buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay markabka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Saddex qof ayaa sidoo kale ku dhaawcmay weerarka.
Warbaahinta ku hadasha afka maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay ka dambeeyeen weerarkaas lala beegsaday markabka Sucuudiga.
Bartamihii sanadkii 2014-kii, Xuutiyiinta ayaa la wareegay caasimada dalka Yeman ee Sanca, iyaga oo ku khasbay masuuliyiinta sare ee dowladda Yeman ee caalamku taageersanyahay in ay u cararaan dalka Sucuudi Caraabiya.
Isla sanadkaas, Sucuudiga iyo xulufadiisa Carabta ayaa bilaabay weerar dhanka cirka ah oo ujeedadiisu ahaa dib u riixida maleeshiyada Xuutiyiinyta.
