Erdogan oo walaac ka muujiyay xiisada u dhaxaysa Mareyanka iyo Waqooyiga Kuuriya

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Istanbul-(Puntland Mirror)  Turkiga ayaa rajeynaya in xiisada sii kordhaysa ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya aysan sababi doonin dagaal la isku adeegsado hubka wax gumaada ee nukleerka, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan maanta oo Jimce ah.

“Waxaanu rajaynaynaa in khatarta u dhaxaysa Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya aysan isku bedelin dagaal,” Erdogan ayaa wariyeyaasha sidaa ugu sheegay Istanbul.

“Xiisadu maahan mid ay labadooda keliya xadidi karaan,” ayuu yiri, isaga oo ka digay in xaaladu ay keeni karto khatar kale.

“Waxaan rajaynayaa in arrinta lagu xalin karo siyaasad ahaan,” ayuu ku daray.

Xiisada u dhaxaysa Washington iyo Pyongyang ayaa xumaatay dhawaantan.

Talaadadii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si xun ugu goodiyay Waqooyiga Kuuriya haddii ay khatar geliyaan dalkiisa.

Khamiistii, wakaalada wararka Waqooyiha Kuuriya ee KCNA ayaa soo xigatay saraakiil Waqooyika Kuuriya katirsan oo dhahaya in istiraatiijiyada Mareykan ee gobolka iyo cunaqabateenada ay u keeni karto in si foolxun loo garaaco iyo cawaaqib xumo.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*