Madaxweynaha Turkiga oo ku dhaleeceeyay wadamada ‘Reer Galbeedka’ in aysan midnimo u muujin Turkiga markii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay

President Erdogan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhaleeceeyay hoggaamiyaasha Reer Galbeedka in ay ku fashilmeen in ay midnimo u muujiyaan Turkiga markii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay, isagoo sheegay dalalka ka walwalsan dambiilayaasha in aysan ahayn saaxiibada Turkiga.

Isagoo ka hadlayay xarunta madaxtooyada Ankara gelinkii dambe ee Jimcada Erdogan ayaa sheegay in hoggaamiyaasha Reer Galbeedka ay dhaleecaynayaan fal-celiska xuukumada Turkiga ee isku-daygii inqilaabkii fashilmay 15 bishan July.

“Markii 10 qof ku dhimato weerar argagixiso, indinka [wadamada Reer Galbeedka] aduunka waxaad ka dhigtaan toogasho,” ayuu yiri.

“Laakiin markii uu dhacay isku-daygii afgembiga dhicisoobay ee looga soo horjeeday Madaxweynaha jamhuuriyada Turkiga, kaasoo mar walba ay difaacayaan baarlamaan ku dhisan hanaan dimuqraadi ah haddana lagu soo doortay 52 boqolkiiba cod bixinta guud, halkii aad dowlada garab siin lahaydeen, waxaad garab siiseen dambiilayaashii.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Kadib markii uu dhacay isku-daygii afgembiga fashilmay wadamo badan oo Turkiga saaxiib la ah ayaa sheegay in ay u arkaan dalka, oo hadda ku jira xaalad deg deg ah in ay kusii siyaadayso wadada kaligii-talisnimada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*