Ugu yaraan labo askari oo ku dhintay isku-dhac saaxiibtinimo oo dhexmaray ciidamada DFS oo ka dhacay magaalada Jowhar

Saldhiga ciidamada booliiska ee magaalada Jowhar.

Jowhar-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo kamid ah ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay kadib markii is-rasaasayn dhexmartay ciidamada ilaalada guddoomiyaha Jowhar iyo ciidamo booliis ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in isku-dhaca uu u ekaa mid si khaldan ku yimid kaasoo ay ku lug lahaayeen labada dhinacba.

Dhacdada ayaa xalay oo Jimce ahayd fiidkii ka dhacday xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar, iyadoo ay socdeen howlgalo amni.

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay is-ku dhacaas.

Jowhar ayaa ah caasimada gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna 90 km ka saarantahay dhanka waqooyi wadada weyn ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyay amaanka magaalada Jowhar, iyadoo magaalada ay martigelinayso shirka maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*