Hindiya oo heshiis ay ku iibsanayso 36 diyaaradaha dagaalka ah la gashay Faransiiska

Wasiirada difaaca wadamada Hindiya iyo Faransiiska oo kala saxiixday heshiis ay Hindiya ku iibsanayso 36 diyaaradood oo nooca dagaalka Faransiiska saameyo ah. Sawirka: EPA.

New Delhi-(Puntland Mirror) Hindiya ayaa heshiis la saxiixatay ay ku gadanayso 36 diyaaradaha dagaalka (Rafale) ee Faransiiska sameeyo, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya uu yahay $8.7 bilyan, heshiiska ayaa noqonaya kii kowaad oo dalka Hindiya ku gato diyaarado dagaal muddo tobonaan sanno ah.

Marka ugu horeysa oo diyaaradaha la fiayo in ay Hindiya yimaadaan ayaa ah sanadka 2019, waxayna Hindiya doonaysaa in 36-da diyaaradood ah lix sanno gudahood ay ku hesho.

Wasiirka difaaca Faransiiska Jean-Yves Le Drian iyo dhiggiisa Hindiya Manohar Parrikar ayaa heshiiska maanta oo Jimce ah ku kala saxiixday gudaha magaalada New Delhi.

Manohar Parrikar ayaa sheegay in heshiiskaas uu hagaajin doono duqaymaha Hindiya iyo awooda difaaca.

Raysulawasaaraha dalka Hindiya Narenda Modi ayaa horey u balanqaaday in uu kor u qaadi doono ciidamada difaaca Hindiya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*