Puntland oo sheegtay in ku xigeenkii Cabdulqaadir Muumin lagu dilay duqeyn

Hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland Cabdiqaadir Muumin. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyada ISIS ee Puntland ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Bari, sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland.

Cabdisamad Maxamed Galan, oo ah wasiirka amniga Puntland ayaa idaacada VOA qaybteeda Soomaaliga u sheegay in Cabdixakiin Dhoqobeed oo loo maleynayo in uu ahaa ku xigeenka Cabdulqaadir Muumin lagu dilay duqeyn dhacday saakay oo Axad ah.

Duqeynta oo loo maleynayo in Mareykanku qaaday ayaa ka dhacday meel u dhow deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari.

Maleeshiyada ISIS ayaa ku sugnaa deegaano kuyaala gobolka Bari tan iyo sanadkii 2015 markaas oo ay ka go’een kooxda Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*