Ugu yaraan 84 qof oo ku dhimatay dalka Faransiiska markii gaari xamuul uu dusha ka maray dad xaflad isugu soo baxay

Nice
84 qof oo ku dhimatay gaari xamuul oo jiiray dad xaflad daawanayay dalka Faransiiska. Sawirka: EPA.

Ugu yaraan 84 qof ayaa dhimatay 100 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii nin uu gaari xamuul ah si kas ah u dul mariyay dad xusayay maalinta Bastille gudaha magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Ninka gaariga waday oo xawaare sare ku soconayay oo marayay wadada caanka ah ee Promenade des Anglais oo xeebta kusoo jeeda ayaa dulmarsiiyay dadkii daawanayay xaflada munaasabada oo bululayr markaas lasoo bandhigayay.

Ciidanka booliiska ayaa toogtay darawalkii gaariga, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wasiirka arrimaga gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in caruur ay ku jiraan dadka dhintay sidoo kale 18 qof ay ku suganyihiin xaalad daran.

Dadka deegaanka magaalada Nice oo saaran badda Mediterranean-ka oo ku dhow xadka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay joogaan guryahooda.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyida weerarka, balse khuburada sirdoonka ayaa sheegaysa in weerarkan uu aad ugu egyahay kuwa ay qaadaan ururada argagixisada ee ISIS iyo al-Qaacida.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*