Warbixin: Maxaa sabab u ah dib u dhaca ku yimid doorashada guddoomiyaha degmada Dangorayo

Dangorayo1
Xarunta dowlada hoose ee degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Iyadoo ay xilligii golaha deegaanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ay ku egayd bishii lasoo dhaafay ee Juun ayaa lagu waday in bilowga bishaan ay dhacdo soo xulida golaha deegaanka degmada iyo doorashada guddoomiyaha balse waxaa ku yimid dib u dhac.

Dib u dhac ayaa waxaa keenay khilaaf ka dhashay xubo cusub oo la sheegay in lagu darayo golaha deegaanka degmada oo awal ahaa sida dastuurka qorayo 21 xubnood, balse xubno kamid ah guddiga doorashada ayaa sheegay in ay ku darayaan afar xubnood oo cusub taasoo ay ka biyo diideen dadka deegaanka ee degmada Dangorayo.

Warsidaha Puntland Mirror oo si dhow u la socday doorashada ayaa ogsoon in saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Puntland ay ku lug leeyihiin in xubno cusub lagu soo kordhiyo golaha deegaanka.

Dhanka kale Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey guddoomiye uga soo noqday Dangorayo haddana u sharaxan guddoomiyaha oo taageero ka helaya Jamamac Dhaga-dheere oo ganacsade ah balse sheegta inuu la taliye u yahay wasaarada arrimaha gudaha ayaa taageersan in xubno cusub lagu daro golaha deegaanka.

Jaamac
Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faroweyne oo dhawaan gaaray degmada Dangorayo. Sawirka: Puntland Mirror.

Puntland Mirror ma ogsoona ujeedka gaarka ah uu ka leeyahay Jaamac Dhaga-dheere musharaxa uu dabada ka riixayo ee Mukhtaar, balse warsidaha waxaa uu ogsoonyahay in xubnaha cusub ee la doonayo in lagu daro ay dan ugu jirto inuu xilka kusoo baxo Mukhtaar.

Dadka deegaanka ayaa aad u taageersan Cabdiqaadir Cukaasha oo mudadii shanta sanno ahayd ee uu hayay guddoomiyaha degmada ka hirgaliyay waxqabad la taaban karo oo ay ku jiraan dhismayaal dowladeed iyo mashaariic kale oo bulshada ay ka faa’idaysteen.

Shirar ka socday asbuucii lasoo dhaafay degmada oo lagu doonayay qabsoomida doorashada guddoomiyaha ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyagoo saraakiishii ka socotay wasaarada arrimaha gudaha oo uu kamid ahaa wasiirka wasaarada Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash” ay kasoo tageen degmada kadib amar uga yimid dhanka madaxtooyada.

Shir
Shirar ka socday degmada asbuucii lasoo dhaafay oo fashilmay. Sawirka: Puntland Mirror.

Soo kordhinta xubnaha cusub ee golaha deegaanka ayaa sababtay in qayb kamid ah beelaha deegaanka ay codsadaan in iyagana loo kordhiyo xubnaha ay ku leeyihiin golaha deegaanka degmada Dangorayo haddii la sameeyo in beelo loo kordhiyo xubno cusub.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa u taagan guddoomiyaha hadda xilka haya, Cabduqaadir Siciid Cabdiraxmaan, Mukhtaar Cabdiraxmaan oo horey u soo noqday guddoomiyaha degmada iyo Cabdiqaadir Maxamed Xirsi oo ah musharax cusub.

Dangorayo waxay ku taalaa gobolka Nugaal gaar ahaan dhanka deegaanka Ayaxda, waa degmo ay ku nool yihiin dad ka badan 20,000, degmada waxay saarantahay laamiga isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, taasoo ka dhigaysa magaalo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga Puntland. Waxaa degmo ahaan loo aqoonsaday xilligii dowladii dhexe Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Bare.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*