Ugu yaraan 30 qof oo gudaha gobolka Bakool ugu geeriyooday abaar darteed

Ugu yaraan 30 qof oo gudaha gobolka Bakool ugu geeriyooday abaar darteed[Sawirka: Archive]
Ugu yaraan 30 qof oo gudaha gobolka Bakool ugu geeriyooday abaar darteed[Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 30 qof ayaa gudaha gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya abaar darteed ugu geeriyooday intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay masuul.

Xuseen Shiikh Maxamed oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare, oo kasoo jeeda gobolkaas, ayaa sheegay in dadka intooda badan ay ku dhinteen degmada Buurduxule ee gobolka Bakool, halkaas oo ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxa uu intaas ku daray in dad ka badan 200 la dhigay isbitaalada, kuwaasoo ay saameysay nafaqo daro iyo xanuuno ka dhashay abaarta daran.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in xaalada dadka ku dhaqan halkaas ay ka sii darayso si dhaqso ah, haddii aysan helin gurmad deg deg ah.

Bishii lasoo dhaafay, Qaramada Midoobay ayaa dalbatay dhaqaale dhan nus bilyan si loogu caawiyo xaalada bini’aadanimo ee ka taagan gudaha Soomaaliya oo ay sababtay abaarta daran ee ku dhufatay dalka oo dhan.

Bartamihii sanadkii 2011-kii, Soomaaliya ayaa aragtay abaar daran, taasoo galaafatay kumanaan dad ah.

Xilli roobaadkii Deyrta oo si fiican aan u da’in, oo badanaa la helo bilaha October iyo November ayaa sababtay abaarta, xilli roobaadka xiga oo ah Gu’ga ayaa la filayaa in uu bilaabmo bilaha April iyo May.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*