Turkiga oo Soomaaliya u soo diray dhowr iyo toban kun oo tan oo cuno gar-gaar ah si loo gaarsiiyo dadka ay abaaraha saameeyeen

turkey
Turkiga oo Soomaaliya u soo diray dhowr kun oo tan oo cuno gar-gaar ah si loo gaarsiiyo dadka ay abaaraha saameeyeen. [Sawirka: Haber Turk]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dowlada Turkiga ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya in ka badan 8,500 oo tan oo cuno ah, oo ay kamidyihiin sonkor masago iyo saliid si loo gaarsiiyo meelaha ay abaaraha ka jiraan ee dalka.

Maxamed Yacquub oo ah shaqaale gar-gaar oo la shaqeeya haayada gargaarka al-Manhal oo wada shaqayn la leh haayada Bisha Cas ee Turkiga ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in caawimaada loo qaybin doono meelaha sida Sool, Nugaal, Bari, Awdal iyo gobolka Banaadir ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa sidoo kale soo gaarsiiyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ugu yaraan 11,100 oo tan oo cuno ah si loogu qaybiyo kumanaan barokacayaal ah oo halkaas kunool.

Safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa shalay oo Isniin ahayd Twitter-keeda rasmiga ah ku sheegtay in cunada gargaarka ah la gaarsiin doono dadka kunool, caasimada Muqdisho, Puntland iyo Somaliland.

Markabka sida  kumanaanka tan oo caawimaada ah ayaa asbuucii hore soo gaaray Soomaaliya isaga oo ka yimid magaalo xeebeedka Turkiga ee Mersin.

Sida uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror mid kamid ah ganacsatada Boosaaso oo diiday in magaciida la sheego, markabka caawimaada sida ayaa beryahaan ku xirnaa degada Boosaaso, isagoo sheegay in dhawaan la filayo in la dajiyo.

Caawimada Turkiga ayaa imaanaysa kadib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay bishii hore in ka badan shan milyan oo qof oo ah 40 boqolkiiba dadka dalka, in aysan haysan cuno ay cunaan, iyadoo ay dalka ka jiraan abaaro ba’an.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*