Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka codsaday ummada Soomaaliyeed in ay la shaqayso madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar  Camay. [Xigashada Sawirka: Puntland Mirror]
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in ay la shaqayn doonaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo ay la yeelatay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir ayuu Cabdixakiim Cumar  Camay ku sheegay in Puntland ay la shaqayn doonto madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan qabaa runtii, sida ummada Soomaaliyeed aad hadda ka arkaysid, if iyo  nuur iyo rajo wanaagsan baad moodaa in ay soo ifayso doorashadii la doortay Maxamed Cabduullaahi Farmaajo, waxaan qabaa mar walba Puntland waxay lahayd; war yaan la dhinac marin dastuurka, war waxa ummadu leedahay si cadaalad ah ha loo qeybsado, war ummada daacad ha loo noqdo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

“Xiriirka madaxweynaha cusub iyo Puntland waxa weeye xiriir wanaagsan wuu noqonayaa Insha’alaah, laakiin haddii ay dhacdo in sidii Xasan Shiikh Maxamuud marmarka qaarkood ay yimaadaan, dee Puntland ama Jubbaland ama Koonfur Galbeed ama Galmudug ama Hir-shabeelle wax u diidaya in ay yiraahdaan war waxaan waa qaloocantahaye ka daa, ma jirto.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayna madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha cusub uu yahay nin wadani ah oo doonaya in qaranimadii uu dib u soo celiyo, waxaana uu ka codsaday ummada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan.

“Waxaan qabaa, nin wadani ah oo Soomaali ah oo doonaya in dadnimadii iyo dalnimadii iyo qaranimadii dib u soo celiyo in uu yahay, ummada Soomaaliyeedna waa ay kula wada-shaqaynaysaa,” ayuu yiri.

“Waxaan leeyahay far kaliya fool ma dhaqdo Soomaaliyey, waxay ila tahay haddii la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi kaligii iyo dowladdiisa wax ha loo daayo, wax shaqaynaya maahan haddaynaan garbihiisa noqon, dee heli mayno qaranimada aynu ku taamayno, marka waxaan kula talinaya ummada Soomaaliyeed meel kasta ay joogtaba in la is garab taago madaxweynaha cusub.” Ayuu ku daray.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*