Mukhtaar Roobow oo sheegay in uu ka tagay Al-Shabaab

Abuu Mansuur oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha Muqdisho maanta oo Talaado ah. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii hore Al-Shabaab Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan Abuu Mansuur ayaa goaansaday in uu ka tago kooxdiisii hore, waxa uu ku sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay Muqdisho maanta oo Talaado ah.

Shir saxaafadeedka dhexdiisa, Abu Mansuur ayaa sheegay in uu ka tagay Al-Shabaab shan sanno kahor kadib markii uu ogaaday dhibbaatooyinka guracan ee maleeshiyada.

Ugu dambeyn waxaa uu u mahadnaqay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka sida diiran ay u soo dhaweeyeen.

Waxaa uu soo noqday hoggaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu ahaa afhayeenkii kooxda.

Sanadkii 2013, waxa uu cararay gobolka uu kasoo jeedo ee Bakool kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane, kaasoo lagu dilay duqayn diyaaradaha Mareykanka sanadkii 2014.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*