Saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada ISIS oo kasoo muuqday maxkamada ciidamada Puntland

Sawirada saddex nin oo ay faafiyeen ciidanka PSF.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada ISIS ayaa Arbacadii la geeyay maxkamada ciidamada Puntland kuwaasoo wajahaya eedaymo dilal badan oo ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso.

Xubnaha oo uu kamidyahay madaxii qaraxyada iyo dilalka u qaabilsanaa ISIS magaalada Boosaaso kaasoo magaciisa Abshir Tooshle ayaa lagu qabtay howlgal bishii May ka dhacay Boosaaso oo ay fuliyeen ciidanka PSF.

Ninkan ayaa qirtay in uu ka dambeeyay dilal loo geystay dad isugu jira ganacsato, nabadoono, ciidamo iyo dad shacab ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka PSF Arbacadii.

ISIS ayaa dabayaaqadii sanadkii 2015-kii kacdoonkeeda kaga dhawaaqday gobolka Bari ee Puntland, kooxda ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin oo horey u ahaa hoggaamiye katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Boosaaso, oo ah xarun ganacsiyeedka Puntland, ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay masulliyadiisa sheegteen maleeshiyooyinka ISIS iyo Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*