Turkiga oo saldhigiisa milatari ee gudaha Soomaaliya furi doona bartamaha bisha April ee sanadkan

Saldhiga milatari ee Turkiga ee gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Saldhiga milatari ee Turkiga ee gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Garoowe-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa rajaynaya in uu furo saldhigiisa milatari ee gudaha Soomaaliya bartamaha bisha April ee sanadkan, sida warbaahinta Turkigu ay sheegeen.

Sida uu ku waramay wargeyska Turkiga ee Yeni Safak, ciidamada Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ka imaanaya wadamo kale oo Afrikaan ah ku tababari doona saldhiga, kaasoo laga dhisayay meel u dhow garoonka diyaaradaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2015-kii.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo taliyaha guud ee ciidamada Janaraal Hulusi Akar ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan munaasabada rasmiga ah ee furitaanka, taasoo lagu wado in ay dhacdo bartamaha bisha April ee sanadkan 2017-ka, sida ilo-wareedyadu sheegeen.

Kharashka dhismaha ku baxay ayaa lagu waramayaa in uu kor u dhaafayo $50 milyan, saldhiga ayaa ku fadhiya dhul dhan 400 hectar waxaana kuyaala ilaa saddex iskuulo milatari ah, guryo deegaan ahiyo bakhaaro.

Asbuucii lasoo dhaafay, wasirka gaashaandhiga Soomaaliya ee shaqada ka tagaya Cabdiqaadir Shiikh Cali Diini oo ay la socdeen saraakiil milatari oo Turki ah ayaa kormeer ku tagay saldhiga oo kuyaala gudaha Muqdisho.

Saldhiga ayaa noqon doona saldhiga kowaad ee milatari ee ugu weyn oo Turkigu ku leeyahay wadan ajnabi ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*