Tirada dadka ku dhintay qaraxii Gaalkacyo oo gaartay ilaa 14 qof

Kooxda gurmadka deg deg ah oo caawineysa dadka ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Tirada dadka ku dhintay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa gaartay ilaa 14 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Weerarka ayaa Jimcadii ka dhacay albaabka laga galo garoon kubadeed oo kuyaala koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo qorshuhu ahaa in Raysulwsaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dadka deegaanka kula hadlo.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ku jira dad shacab ah, duqii hore ee Puntland ee Gaalkacyo iyo saraakiil sare oo ciidan oo uu kamidyahay taliyihii qeybta 21-aad ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in naftiis halige katirsan uu qaaday weerarka si uu u bartilmaameedsado Raysulwasaaraha, sida ay baahiyeen warbaahinta ku hadasha afka maleeshiyada.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*