Mareykanka oo sheegay in ay 13 maleeshiyo Al-Shabaab ah ku dileen duqeyn ka dhacday koonfurta Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: AP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn cirka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka geysteen koonfurta Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika  (AFRICOM) maanta oo Arbaco ah.

Weerarka ayaa dhacay horaantii asbuucaan, waxaana lagu dilay ugu yaraan 13 maleeshiyo Al-Shabaab ah, sida ay sheegeen AFRICOM.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa kamid ah duqeymo taxane ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, oo ay qaadeen Mareykanku intii lagu jiray sanadkan 2017.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*