Taliyaha cusub ee ciidamada Puntland Janaraal Yaasiin Cumar Dheere oo booqday ciidamada ku sugan jiida Tukaraq

Janaraal Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlaya ciidamada Puntland ee ku sugan aaga Tukaraq, July 5, 2019. [Xigashada Sawirka: Dabaraani Media Inc]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha cusub ee ciidamada Puntland Janaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa Jimcadii booqday ciidamada qalabka sida ee Puntland ee ku sugan jiida deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in booqashadu ahayd salaan iyo isbarasho, waxaana uu balanqaaday in ciidamada ay heli doonaan mushahaarkooda iyo waxyaabaha kale ee ay xaqa u leeyihiin.

Asbuucii la soo dhaafay, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Yaasiin Cumar Dheere u magacaabay taliyaha ciidamada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*