Maleeshiyada ISIS oo ka baxday Qandala saacado kadib markii ay qabsadeen magaalada

muumin
Hoggaamiyaha Maleeshiyada ISIS ee Puntland, Cabduqaadir Muumin. [Sawirka: Jihadology.net]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ayaa ka baxday magaalada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland kadib markii ay qabsadeen, sida ay cadeeyeen dadka deegaanka.

In ka badan 50 maleeshiyada ISIS ah ayaa qabsaday magaalo xeebeedka subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ahayd iyagoo aan la kulmin wax iska-caabin ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Intii ay haysteen magaalada Qandala, boqolaal dadka deegaanka ah ayaa ka cararay magaalada baqdin ay ka qabaan maleeshiyada.

Ka bixitaanka maleeshiyada ISIS ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Puntland qorshaynayeen in ay weerar ku qaadaan si ay dib ugu qabsadaan magaalada.

Waa markii kowaad oo ay ISIS qabsato magaalo kutaala Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya tan iyo markii ay ka furteen saldhigoodii ugu horeeyay ee Soomaaliya, kaasoo kuyalaa dowlada goboleedka Puntland ee waqooyiga-bari Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*