Erdogan oo ku eedeeyay Mareykanka in uu taageero kooxo argagixiso

President Erdogan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Sawirka: Archive]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga iyo Ruushka ayaa si isku mid ugu eedeeyay Mareykanka in uu taageerayo waxay ugu yeereen “kooxo argagixiso” oo jooga gudaha dalka Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay shalay oo Talaado ahayd in uu hayo cadaymo muujinaya in xoogaga xulufada uu Mareykanku hoggaaminayo ay taageero siiyaan kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq sidoo kale loo yaqaan (Daacish) iyo kooxaha Kurdiyiinta, ee lagu magacaabo (YPG) iyo (PYD).

“Waxay nagu eedeeyaan anaga in aan taageerno Daacish,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

“Hadda waxay taageero siiyaan kooxo argagixiso oo ay kamidyihiin Daacish, YPG iyo PYD. Taasi waa cadahay. Waxaanu haynaa cadaymo muujinaya, sawiro iyo muuqaalo,” ayuu ku daray Erdogan.

Si lamid ah, afhayeenka wasaaradda difaaca Ruushka ayaa Talaadadii sheegtay in go’aanka uu Mareykanku ku debcinayo hubaynta kooxaha falaagada ee Suuriya ay khatar ku tahay ciidamada Ruushka ee ku sugan gudaha dalka Suuriya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*