Marwada Kowaad ee dalka Turkiga oo gargaar gaarsiisay xero qaxooti oo ay ku jiraan Muslimiinta Rohingya

Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan oo gargaar ku wareejinaysa qaxootiga Muslimiinta Rohingya. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar ku wareejisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya kadib safar ay ku tagtay xero qaxooti oo kutaala xadka Myanmar maanta oo Khamiis ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

“Waa wax aan macquul aheyn in aan arrintan u taabanno sida bani’aadamnimada,” ayay tiri kadib markii ay sanduuqyada u gudbinaysay qaxootiga jooga xerada Kutupalong, oo ku taala xudduuda.

“Waxaan rajeynayaa in dunidu ay fikrad ka bixiso mawduucaan ayna ka caawisaa iyaga labada gargaar bini’aadanimo iyo siyaasad ahaanba,” ayay ku sii dartay.

Sida laga soo xigtay haayada Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR, 164,000 Rohingya ayaa ka soo tallaabay xudduudaha ilaa iyo 25-kii Agoosto, markii ciidamada amniga Myanmar ay bilaabeen howlgallo ammaanka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Rohingya.

Si kastaba ha ahaatee, qaxootiga ayaa sheegay in weerarka loo isticmaalay in lagu daboolo dilka balaaran, boobka iyo gubista tuulooyinka Rohingya ee ay ka dambeeyaan ciidanka Myanmar iyo qawlaysato buddhistaan ah.

Marwada Kowaad ee Turkiga, oo ay weheliyaan wiilkeeda Bilal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu yeeray beesha caalamka inay joojiso rabshadaha, taas oo ay ku tilmaamtay “musiibo aan la rumaysan karin xilligan”.

Maalintii Talaadada, Myanmar ayaa aqbashay inay u oggolaadaan in Hay’adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda ay gasho gobolka Rakhine si ay u bixiyaan 1,000 tan oo gargaar ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*