TPEC oo dib u dhigtay doorashada saddex degmo oo gobolka Nugaal katirsan sababo amni darteed

Garoowe. [Sawir hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa dib u dhigay doorashada goleyaasha deegaanka saddex degmo oo kala ah Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan sababo amni dartood, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guddiga.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada la qaban doono marka la xaliyo arrimaha ammaanka ee jira, iyadoo ay hadda socoto dadaalada xal loogu raadinayo arrinta.

Buurtinle oo katirsan gobolka Nugaal ayaa sanaadiiqdii codeyntoodu ay gaartay maanta kaxib markii xalay maleeshiyaad ka soo horjeeda doorashada ay qabteen sanaadiiq halkaas loogu talogalay kadibna ay gubeen.

Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo ka taagan qabsoomida doorashada dowladdaha hoose oo qorshuhu yahay in ay dhacdo 25-ka May. Ciidamo taageersan siyaasiyiin mucaarad ah oo dhawaan ka soo baxay jiida dagaalka Laascaanood ayaa fariisimo ka dhigtay kantaroolada Garoowe si ay uga hortagaan qaadista sanaadiiqda.

Asbuucii la soo dhaafay, labo askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen ciidanka ka soo horjeeda doorashada iyo ciidan galbinayay sanaadiiqda duleedka Bari ee Garoowe.

Beri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in ku dhawaad 30 degmo oo katirsan ilaa lix gobol oo Puntland ah ay dadka kunool u dareeri doonaan doorashada goleyaasha deegaanka dowladdaha hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*