Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir ku yeelan doona Dhuusamabareeb

Waa kulankii ugu horeeyay ee labada madaxweyne, 26 June, Gaalkacyo. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacada soo socota shir ku yeelan doona magaalada Dhuusamabareeb, sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen maanta oo Isniin ah.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa isku raacay in shirkaas uu dhaco kadib kulan ay khadka internetka ku yeesheen, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.

Shirka ayaa looga wadahadli doonaa arrimo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka soo socda, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Arrintan ayaa timid kadib markii shir ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku casuntay madaxda dowlad goboleedyada oo qorshuhu ahaa in uu Muqdisho ka furmo July 5, 2020 uu dib u dhacay.

Ujeedada rasmiga ah ee sababtay dib u dhaca ayaan weli aysan sheegin dowladda dhexe, balse ka baaqista Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ah sababta ugu weyn ee keentay in shirku uu dib u dhaco, sida ilo-wareedyo ka ag dhow shirka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*