Booliiska Puntland oo sheegaysay in hal maalin la joojin doono isku socodka doorashada darteed

Astaanta booliiska Puntland. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Booliska Puntland ayaa sheegay in dhammaan gaadiidka la joojin doono maalinta doorashada dowladaha hoose oo ka bilaabaneysa Arbacada 6:00 Maqribnimo ilaa Sabtida 6:00 Subaxnimo.

Doorashada dowladda hoose ee Puntland ayaa dhici doonta 25-ka May, sida ay qorsheeyeen Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool in ka badan 30 degmo ayaa soo dooran doona golahooda deegaanka oo ka imaanaya todobo urur siyaasadeed oo tartamaya, kuwaas oo saddexda urur ee hela codadka ugu badan ay noqon doonaan xisbiyada rasmiga ah ee Puntland.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*