Puntland: Dadka oo codkooda dhiibanaya markii ugu horeysay 54 sanno kadib

Haweenay muwaadinad reer Puntland ah oo codkeeda dhiibanaysa. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 387,000 oo ku kala sugan 30 degmo oo kuyaala gobolada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah codkooda dhiibanaya si ay u soo doortaan xubnaha goleyaasha deegaanka.

Doorashadan oo ah tii ugu horeysay muddo ka badan 54 sanno la qabto oo dadka ay codkooda dhiibtaan deegaanada Puntland, ayaa waxaa ku tartamaya todobo urur siyaasadeed oo uu kamidyahay kan dowladda ee Kaah iyo lix kale oo mucaarad ah. Sanadkii 1969 ayay ahayd doorashadii ugu dambeysay oo dimuqraadi ah taasoo ay xisbiyo ku tartamaan oo ka dhacda Soomaaliya oo ay ku jirto Puntland.

Garoowe oo ah caasimada Puntland iyo labo degmo oo katirsan gobolka Nugaal kuwaasoo kala ah Dangorayo iyo Godob-jiiraan ayaysan doorashadu maanta ka dhicin kadib markii Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ay dib u dhigeen sababo amni dartood.

Musharixiinta goleyaasha deegaanka oo kala kala socda todobo urur siyaasadeed ayaa tiradoodu tahay 3775 qof, sida uu sheegay Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Ururada tartamaya ayaa saddexda ugu codka badan oo ku guuleysata degmooyinka ugu badan waxay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed ee tobanka sanno ee socota ka jiri doona Puntland, sida uu qeexayo dastuurka.

Dabayaaqadii 2021, ayaa Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ay saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ka soo qabteen doorashada goleyaasha deegaanka taasoo ahayd tijaabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*