Kenya oo baaraysa baasaboorka Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Haayadaha dowladda Kenya ayaa baaritaan ku wada wararka sheegaya in sargaal katirsan haayadaha amniga dowladda Soomaaliya uu heysto dhalashada dalka Kenya, sida Isniintii uu daabacay wargeyska Standardmedia, oo fadhigiisu yahay dalka Kenya.

Fahad Daahir Ahmed oo sidoo kale Fahad Yaasiin looga yaqaan Soomaaliya ayaa asbuucii lasoo dhaafay loo magacaabay Agaasime Ku xigeenka Haayada Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Fahad oo ah nin ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo, kaasoo kaalin weyn ka qaatay doorashadiisii madaxtinimada, ayaa la sheegay in uu heysto baasaboorka Kenya, una isticmaalo safarada, sida uu sheegay wargeysku oo soo xiganaya saraakiil katirsan haayada socdaalka Kenya.

Fahad ayaa heysta baasaboor Kenyaati ah oo numbarkiisu yahay (C024542) oo la soo saaray September 6, 2013. Sidoo kale waxa uu heystaa kaarka aqoonsiga Kenya oo numbarkiisu yahay (22847167) oo ku taariikhaysan November 26, 2001.

Baasaboorka Kenya ee uu heysto Fahad Yaasiin. [Screen-shot]
Waxa uu baasaboorka u isticmaalayay in uu ku galo kagana baxo Kenya. Waxa uu ku sugnaa Nairobi markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isku shaandheyn ku sameeyay haayadaha ammaanka uuna isaga u magacaabay booska cusub ee NISA.

Alexander Muteshi, oo ah agaasimaha Haayada Socdaalka Kenya, ayaa sheegay in uu ogyahay arrinta, lana bilaabay baaritaan. 

Kahor intaan loo magacaabin booskan cusub waxa uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia.

Fahad Yaasiin oo ka soo shaqeeyay TV-ka Al Jazeera ee fadhigiisu yahay magaalada Dooxa, ayaa la aaminsanayhay in uu xiriir dhow la leeyahay masuuliyiinta sare ee dalka Qatar.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*