Putin iyo Trump oo Sabtida khadka taleefoonka ku wadahadli doona

Putin iyo Trump oo Sabtida khadka taleefoonka ku wadahadli doona. [Sawirka: Puntland Mirror Graphic]
Putin iyo Trump oo Sabtida khadka taleefoonka ku wadahadli doona. [Sawirka: Puntland Mirror Graphic]
Moscow-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa beri oo Sabti ah wadahadal khadka taleefoonka kula yeelan doona madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, sida ay sheegtay madaxtooyada Kremlinka ee Ruushka maanta oo Jimce ah.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee TASS, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cadeeyay in la qorsheeyay wadahadalka taleefoonka ku dhexmari doona labada hoggaamiye.

Putin ayaa horey bayaan ugu sheegay in Ruushku uu ku go’aan kaari doono sida maamulka Trump uu u wajaho xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.

Intii uu ku guda jirey ololihiisa ilaa iyo doorashadiisa, Trump ayaa sheegay ujeedada xiisaha xiriirka wanaagsan ee Ruushka waxaana uu kusoo celceliyay ammaanta hoggaamiye Putin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*