Wasaarada haweenka Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasada dalka

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaarada haweenka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay magaalada Muqdisho kulan looga hadlayay qaabka ay haweenka Soomaaliyeed uga qaybgali lahaayeen hanaanka siyaasadeed ee doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan 2016.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka wasaarada haweenka Soomaaliya, xildhibaano iyo xubno ka socday ururada bulshada.

Wasiirada haweenka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in kulankan uu ahmiyad weyn u leeyaha bulshada gaar ahaan haweenka maadaaba uu ku saabsanyahay doorka haweenka ay ka qaadan karaan hanaanka doorasahada ee dalka.

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye, ayaa ku boorisay haweenka Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan midnimada una dhaqaaqaan horumarka si ay kaalin muuqda ugu yeeshaan hanaanka doorashada dalka.

Haweenka Soomaalida oo ah laf-dhabarta bulshada ayaa xusul-duub ugu jira sidii ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan, iyagoo doonaya in ay kuraas fiican ka helaan aqalka baarlamaanka ee dalka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*