Ugu yaraan sideed askari oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qiiqa ka dhashay qaraxa oo cirka isku shareeray. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qarax weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo uu waday qof naftiis halige ah ayaa lagu beegsaday xarun ciidan oo kutaala Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Ugu yaraan sideed askari ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay ilaa 15 kale, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa sawiro laga qaaday laga arki karayay qiiqa ka dhashay oo cirka isku shareeray.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Sabti ah ka dhacay Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Radio Al Andalus, oo ku hadasha afka maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*