Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo shati siiyay labbo banki oo caalami ah

Dhismaha Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ogolaaday in shati la siiyo labbo banki oo caalami ah kuwaasoo ka howlgeli doona Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta oo Axad ah ka soo baxay Bankiga.

Labada Banki ayaa kala ah Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo Turkiga laga leeyahay.

“Waa bangiyo waaweyn oo wax badan ku soo kordhin kara hannaanka maaliyadda dalka iyo kalsoonida maalgashadayaasha,” sidaa waxaa war-saxaafadeedka ku yiri guddoomiyaha bankiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Labada banki ayaa noqon doona kuwii ugu horeeyay oo caalami ah oo ka howlgala Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*