Madaxweyne Deni oo taliye cusub u magacaabay ciidanka ilaalada madaxtooyada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdulqaadir Jaamac Dirir u magacaabay taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada, hal maalin kadib dilkii taliyihii hore, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada maanta oo Isniin ah.

Taliyihii hore ee ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland Cusmaan Cumar Maxamed ayaa lagu dilay howlgal ka dhan ah daroogada oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Axadii.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Maxamed Aadan Jaamac u magacaabay taliyaha cusub ee qeybta booliiska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay digreetada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*