Baarlamaanka Soomaaliya oo meel-mariyay Raysulwasaaraha cusub

Raysulwsaaraha cusub ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. [Xigashada sawirka: Radio Mogadishu]
Raysulwsaaraha cusub ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Mogadishu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kadib kalafadhiga baarlamaanka oo lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Arbaco ah, xildhibaanada ayaa meel-mariyay magacaabida Raysulwasaaraha cusub Xasan Cali Khayre.

Tiro dhan 231 xildhibaan ayaa ka qaybgalay kalafadhiga, kulligoodna waxay meel-mariyeen magacaabida Raysulwasaaraha cusub, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.

Raysulwasaaraha cusub ayaa si dhaqso ah loogu dhaarshay xafiiska kadib natiijada.

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada, Xasan ayaa baarlamaanka u mahadceshay kuwaasoo ansixiyay magacaabistiisa.

Xasan Cali Khayre ayaa waxaa Raysulwasaare u soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asbuucii lasoo dhaafay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*