Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo yeelatay xarun cusub oo ay ku baxday dhaqaale dhan $372,000

Madaxweyne Cabdiweli oo xariga ka jarayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa yeelatay dhisme cusub oo laga dhisay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah xariga uga jaray dhsimaha cusub ee wasaaradda.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ugu horayn sheegay in uu ku faraxsanyahay muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta in aan imaado Wasaaradda Xanaanadda xoolaha daahfuro  xarigana ka jaro dhismaha cusub ee Wasaaradda, waan ku bogaadinaynaa dedaalka weyn ee ay geliyeen in Wasaaraddu hesho goob shaqo oo ku-filan  oo lagu fuliyo shaqadda gaamurtey ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, laf-dhabar bay u yihiin xooluhu  dhaqaalaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cusmaan Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wasaaraddani ay ku baxyday lacag dhan $372,000, dhaqaalahaas oo ay bixisay Wasaaradda.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa fahansan in dhaqaalaha ku baxay dhismaha cusub ee wasaarradda ay ahayd lacag kasoo xarootay kadib markii ay wasaaraddu iibisay xarunteedii hore oo kutaalay bartamaha magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*