Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay baarayso sababta ka dambaysa burburka diyaarada African Express

Diyaarada ayaa nooceedu ahaa Embraer 120. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baarayso sababta ka dambaysa burburka diyaarad ku dhacday gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku howlantahay baaritaan daahfuran, natiijada baaritaanka Dowladda ayaa sida ugu degdegsiinyo badan u shaacin doonta.” Sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Embraer 120 oo ay lahayd shirkada African Express ayaa ku dhacday deegaanka Bardaale ee gobolka Bay galabnimadii Isniinta.

Diyaarada oo ka soo kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa siday qalab caafimaad oo loogu talogalay la tacaalida xanuunka COVID-19.

Dhammaan lixdii qof oo saarnaa diyaarada ayaa ku dhintay burburka. Labo duuliye oo u dhashay Kenya iyo afarta qof oo kale oo ahaa Soomaali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*