Siyaasi Salaad Cali Jeele oo sheegay haddii doorashada Soomaaliya ay dhici weydo wakhtigeedii in talada dalka ay la wareegi doonaan odayaasha dhaqanka

 

Salaad-Cali Jeele
Wasiir ku-xigeenkii hore ee gaashaandhiga dowladii federaalka kumeel gaarka ahayd, Salaad Cali Jeele.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiir ku-xigeenkii hore ee gaashaandhiga dowladii federaalka kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed hadana ah siyaasi Soomaaliyeed, Salaad Cali Jeele ayaa sheegay haddii doorashada dalka ay dhici weydo xilligii loogu talagalay ee horey loo sheegay in talada dalka ay la wareegayaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed mar haddii wakhtiga dowladu uu ku egyahay bishaan August.

Salaad Cali Jeele oo la hadlay idaacada maxaliga ah ee Radio Shabeelle Muqdisho ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay hirgelinta wakhtigii loogu talagalay in doorasho ay dalka ka dhacdo.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Cumar Maxamuud Cabdulle oo dhawaan shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka gaabsaday xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka.

“Wax laga xumaado waaye in guddigii loo igmaday Doorashada in uu yiraahdo ma sheegi karo waqtiga ay dhaceyso doorashada , waana Masuuliyad darro weyn.”  Ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo la hadlay idaacada Shabeelle.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in maanta uu shir uga furmo hoggaamiyaasha dowlada federaalka ee Muqdisho fadhigeedu yahay iyo masuuliyiinta maamul goboleedyada Soomaaliya, shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka dalka.

Ilo-wareedydo diblomaasi ayaa dhawaan u sheegay warsidaha Puntland Mirror in wakhtiga doorashooyinka dalka uu dib u dhacayo ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada sanadka 2016.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*