Soomaaliya oo xuseysa sanadguuradeedii 58-aad ee maalinta xornimada

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadalaya munaasabadda lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho. [Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa xuseysa  sanadguuradeedii 58-aad ee maalinta xornimada.

1-da Luulyo ayaa ah maalintii ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay madax-banaanidooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga sanadkii 1960-kii, ayna midoobeen koonfur iyo waqooyi, oo 26-kii Juun xornimadooda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.

Munaasabada ugu weyn ee xuska ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa sheegay in haddii facii hore ee Soomaaliya ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gobolada kale ee dalka ayaa lagu qabtay munaasabado lagu maamusayo 1-da Luulyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*