Dhaqaale dhimis ku timid mashruuca Bangiga Adduunka ee Garoowe

Bartamaha Magaalada Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ayaa baahisay qandaraaska afar waddo oo laga dhisayo magaalada.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha mashruuca ayaa waxaa bixinaya Bangiga Addunka, waana Mashruuca Soo Kabashada Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Dhismaha mashruuca ayaa ka kooban afar waddo oo dhererkoodu dhanyahay 4.9 kiilomitir, sida lagu sheegay ogeysiinta qandaraaska.

Afarta waddo ayaa kala ah: Waddada Janaraal Nuursalaad, Waddada Shiikh CabdiSalaam, Waddada garab marta Huteel Sagal kana soo bilaabmata Wadada Diktoor Jimcaale kuna dhammaata Waddada Shiikh Cabduqaadir iyo Waddada Jilab.

Wajiga kowaad ee mashruuca ayaa qorshuhu ahaa dhismaha 19 waddo iyo labo buundo balse sababo maaliyadeed awgeed ayaa loo dhimay, sida lagu sheegay ogeysiinta qandaraaska.

Ogeysiinta qandaraaska ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha loo hayo oo ku bixi doona dhismaha afarta waddo uu yahay $3 milyan oo dollar.

Markii hore ayaa qorshuhu ahaa in mashruuca ay ku baxdo lacag lagu qiyaasay ilaa $20 milyan oo dollar.

Wareysi gaar ah oo sanadkii 2017-kii uu warsidaha Puntland Mirror siiyay duqii hore ee magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayuu ku sheegay in mashruuca loo qorsheeyay dhismaha waddooyin wadar ahaan dhererkoodu yahay 28 kiilomotir iyo labo buundo. 

Mashruuca ayaa loo qorsheeyey inuu bilaabmo bishii Febraayo 2017, balse dib ayuu u dhacay, lama oga sababta ka dambeysa dib u dhaca.

Puntland Mirror ayaa isku dayay in uu xiriir la sameeyo maamulka Dowladda Hoose ee Garoowe si ay uga jawaabaan sababta keentay dhaqaale dhimista ku dhacday mashruuca balse weli ma suurtagalin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*