Madaxweynaha Puntland oo qaabilay qaar katirsan danjirayaasha ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya

Madaxweyne Deni oo qaabilay qaar katirsan danjirayaasha ku sugan Soomaaliya.[Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaar katirsan danjirayaasha ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay.

Safiirada uu madaxweynuhu qaabilay ayaa waxaa kamid ahaa Imaaraadka Carabta, Sweden, UK, Germany, Qatar, Sudan, Masar, iyo safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo safiirada ayaa ujeedadu ahayd hambalyo iyo bogaadin ku aadan guushii madaxweynaha uu ka gaaray doorashadii 8-dii Janaayo 2019, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*