Soomaaliya oo ku eedaysay xulufada Sucuudi Caraabiya hoggaamiyo duqeyn loo geystay dooni oo ay ku dhinteen qaxooti Soomaali ah

Soomaaliya oo ku eedaysay xulufada Sucuudi Caraabiya hoggaamiyo duqeyn loo geystay dooni oo ay ku dhinteen qaxooti Soomaali ah. [Xigashada Sawirka: AP]
Soomaaliya oo ku eedaysay xulufada Sucuudi Caraabiya hoggaamiyo duqeyn loo geystay dooni oo ay ku dhinteen qaxooti Soomaali ah. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ku eedaysay xulufada Sucuudiga weerar duqeyn ah oo shalay oo Jimce ahayd loo geystay dooni taasoo lagu dilay ugu yaraan 42 qof oo qaxooti Soomaali ah xeebaha dalka Yemen.

Soomaaliya ayaa Mareykanka oo taageera xulufada ka codsatay in la baaro weerarkaas. Doonida ayaa waxaa saarnaa tobonaan qaxooti ah, oo u badan dumar iyo caruur.

“Waxa ka dhacay halkaas waa wax naxdin leh oo dhibaato weyn ku ah dad Soomaali ah oo biri-mageydho ah. Xulufada Sucuudi Caraabiya hoggaaminayo ee dagaalka ka wada gudaha Yemen ayaa masuul ka ah falkaas,” sidaa waxaa yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo la hadlayay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in dowladda Yemen ay waajib ku tahay in ay bixiso faahfaahin ku saabsan cida masuulka ka ah weerarka si sharciga loogu qaado.

Sidoo kale Raysulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay weerarka mid “waxshinimo ah”  oo “khalad xun ah”.

Falaagada Shiicada Yemen ayaa sidoo kale weerarkaas ku eedaysay xulufada Sucuudiga. Wali ma jirto jawaab kasoo baxday xulufada.

Weerarka ayaa imaanaya dhowr asbuuc kadib markii Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah u doortay Sucuudi Caraabiya.

Doonida ayaa ka timid Ras Arra oo saaran xeebta koonfureed ee gobolka Xudeydiya ee dalka Yemen, waxayna ku dhaweyd  kanaalka Baabul al-Mandab marka uu weerarku dhacay shalay oo Jimce ahayd, sida wararku sheegayaan.

Xulufada Sucuudiga oo u badan dowladaha Khaliijka ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii gudaha dalka Yeman ka waday duqaymo dhanka hawada oo ka dhan ah falaagada Xuutiyiinta oo ay taageerto dowladda Iran.

Xulufada Sucuudiga ayaa doonaya in falaagada Xuutiyiinta laga saaro caasimada dalka Yemen ee Sanca oo ay haystaan hadda iyo dhammaan dhanka waqooyi, si awooda dib loogu soo celiyo dowladda Yemen oo xulufada Sucuudiga iyo Mareykanku ay dabada ka riixayaan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*