Ciidamada Ammaanka Puntland oo bilaabay guluf ka dhan ah meelaha ay ku dhuumanayaan maleeshiyada ISIS ee gobolka Bari

Ciidanka PSF ee ku sugan tuulada Timirshe. [Sawirka: Facebook/PSF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa shalay oo Isniin ahayd bilaabay howlgal milatari oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal ay ku daabaceen boggooda Facebook-ka, PSF ayaa sheegtay in ciidankoodu uu tagay tuulada Timisrhe ee gobolka Bari si ay u qaadaan guluf dhulka ah kaasoo ujeedkiisu yahay sidii loo saari lahaa maleeshiyada ku sugan deegaankaas, tuulada ayaa kamid ahaan jirtay meelaha ugu waa-weyn ee ay ku dhuuntaan maleeshiyadu intii lagu guda jiray xilligii ay soo ifbaxayeen.

Tilaabada PSF ayaa timid labo maalmood kadib markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay qaadeen duqayntoodii ugu horeysay ee ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland, iyaga oo sheegay in ay dileen dhowr dagaalyahan.

Inkastoo ay jireen warar muujinaya in hoggaamiyaha ISIS lagu dilay weerarka Mareykanka, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa idaacada VOA Soomaali u sheegay in uu helayo in hoggaamiyaha ISIS Cabdiqaadir Muumin uu noolyahay weli oo uusan dhiman.

ISIS ayaa kacdoonkeeda gudaha Puntland bilowday dabayaaqadii sanadkii 2015, markii dagaalyahano hore oo Al-Shabaab katirsanaa oo uu hoggaaminayay Cadbiqaadir Muumin ay iclaamiyeen in ay ku biireen ISIS, waxayna qaadeen weeraro dhowr ah oo uu ku jiro qabsashadii magaalada qadiimiga ah ee Qandala kahor inta aysan dib ula wareegin ciidanka dowladda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*